7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 18, 2022
Dowladda Mareykanka oo markale ugu baaqday madaxda Soomaalida iney ka dhabeeyaan balan qaadyadoodii Doorashada
 

Jimco, Febraayo, 18, 2022 (HOL) - Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya  ayaa Maanta markale soo saartay fariin ku socota madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Warka qoraalka ah ee kasoo Safaarada Mareykanka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida iney ka dhabeeyaan balan qaadyadoodi ahaa in doorashada Baarlamaanka 11-aad ee dalka lagu soo gabagabeyn doono 25-02-2022 oo ay haatan ka harsan tahay 7 maalmood oo kaliya.

"Waxaan mar labaad ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in lagu soo dhameystiro doorashada Baarlamaanka si lagu kalsoonaan karo oo daah furnaan ah 25-ka Feberaayo. Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami doontaa ciddii carqaladeysa ama carqaladeysa hannaankaā€¯ ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Qoraalkaan kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili isla Maanta War saxafadeed la xariiray arrimaha doorashada Soomaaliya ay soo saareen Wakiiladda Beesha Caalamka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online