7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 18, 2022
Wakiiladda Beesha Caalamka oo War saxafadeed cusub kasoo saaray Doorashada Golaha Shacabka

Jimco, Febraayo, 18, 2022 (HOL) - Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa War saxafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen iney ka warhayaan in doorashada Golaha Shacabka qiyaastii kala bar ay qabsoontay, islamarkaana loo baahan yahay in la saxo qaladaadka jira iyada oo la raacayo habraaca si dhexdhexaad ah oo daah-furan, si loo dhiso kalsoonida geeddi socodka doorashada iyo natiijadeeda.

War saxaafadeedka Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa dhammaan Madaxda Soomaalida loogu baaqay inay ka fogaadaan sii baahidda xiisadda siyaasadeed, islamarkaana la xaqiijiyo in ciidamada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed oo kale.

“Sida lagu qeexay War-murtiyeedka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ee bishii Janaayo, musharrixiinta waa inay xor u ahaadaan inay u tartamaan caqabad la’aan. Suxufiyiintu ay awood u yeeshaan inay tebiyaan, bulshada rayidka ahna ay si xor ah u kormeeraan hawlaha doorashada cabsi gelin la’aan. Maadaama wakhtiga kama dambeysta ah ee ay isku raaceen Golaha Waatshiga Qaran bishii Jannaayo 2022 uu ku eg yahay 25 Feberaayo, bah-wadaagtu waxa ay dhiirigelinayaan sii wadidda dardargelinta, si loo xaqiijiyo dhammaystir degdeg ah, laguna kalsoonaan karo  ee geeddi-socodka doorashada” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Beesha Caalamka kasoo baxay.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ku celisay walaaca ah in qoondada boqolkiiba 30-ka ee matalaadda haweenka ee Baarlamaanka aan la gaarsiineyn, waxa ayna ku baaqayaan in tallaabooyin deg deg ah lagu saxo kuraasta harsan ee Golaha Shacabka.

Warkaan kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee Baasha Caalamka ayaa imaanaya xili doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay si dardar leh uga socoto deegaanada maamul goboleedyada dalka, islamarkaana waqtii loogu talo galay in lasoo gabagabeeyo ay ka harsan tahay 7 maamlmood oo kaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online