7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 18, 2022
Laba diyaaradood oo siday ciidamo iyo ergadii dooran laheyd Fahad Yaasiin oo Baledweyne ka dagay

Jimco, Febraayo, 18, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta garoonka diyaaradaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka degay laba diyaaradood oo siday ciidamo aad u hubeysan oo la sheegay iney ka mid yihiin ilaalada La taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada diyaaradood mid ka mid ah ay saaranayeen ergo dooraneysa Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu kusoo baxi doono kursi HOP 086, kaasoo sanadahii dambe uu ku fadhiyay Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo haatan la sheegay inuu howlo Caafimaad ugu maqan yahay dalka dibadiisa.

Ergada diyaarada lagu keenay ayaa wararku sheegayaan in la dajiyay xerada ciidamada AMISOM ee ku taala xaafadaha Ceel Jaalle ee magaalada Baledweyne gaar ahaan qeybta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Kursiga uu u tartami doono Fahad Yaasiin ee tirsigiisu yahay HOP 086, ayaa doorashadiisa waxay dhaceysa maalinta Axada ah ee taariiqdu ku beegan tahay 20-02-2022, waxaana xusid mudan in kursigaan saacadahii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar kala duwan oo sheegayay in la hakinayo inkasto markii dambe guddiga doorashada Hirshabeelle ay shaaciyeen in kursigaas doorashadiisa ay dhici doonto maalinta Axada, islamarkaana aysan jirin sababo loo hakinayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online