7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 18, 2022
Doorasho aan lagu tartamin oo Maanta ka dhacday magaalada Kismaayo


Jimco, Febraayo, 18, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kursiga koowaad ee Maanta lagu doortay Kismaayo oo sumadiisu yahay HOP 132, waxaa kusoo baxay Cadar Xareed Jibriil, kadib markii ay tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf, waxaana si gacan taag ugu guuleystay Cadar Xareed, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland.

Doorashada kursi labaad oo tirsigiisu yahay HOP 092, waxaa ku wada tartamay Musharaxiinta kala ahaa Saadaq Cabdullaahi Cabdi iyo Cabdullaahi Aadan Ibraahin, waxaana kursiga ku guuleystay Saadaq Cabdullaahi sida uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal.

Kursiga sadaxaad ee doorashada Maanta ka dhacday Kismaayo oo tirsigiisu yahay HOP 023, waxaa si gacan taag ah loogu codeeyay oo kusoo baxday Nasra Mahdi Caraale, kadib markii ay tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd Nasra Mahdi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online