7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 18, 2022
Guddiga Doorashooyin Heer Fedaraal oo shaaciyay inaan Doorashada loo hakin doonin arrinta Garbahaareey
 

Jimco, Febraayo, 18, 2022 (HOL) - Iyadoo doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka waqtiga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo ay ka harsan tahay 7 maalmood oo qura ayaa afhayeenka guddiga doorashooyinka dalka waxuu sheegay iney ka go'an tahay in doorashada waqtigeeda kusoo gabagabeyn doonaan.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal Axmed Safiina ayaa sheegay in ay ka go’an tahay qabashada doorashada 16-ka kursi ee ku diiwaangashan in lagu qabto Magaalada Garbahaarey xarunta Gobolka Gedo oo ay dhawaan shaaciyeen maamulka Jubbaland ineysan suurtagal aheyn in doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey.

Afhayeen Axmed Safiina oo wareysi siiyay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dooda ka taagan kuraasta taala gobolka Gedo ay tahay mid siyaasadeed oo qayb ka ah caqabadaha dib u dhigay doorashooyinka dalka balse guddiga uusan wax hakad ah u gali doonin sii qadida howlaha doorashada dalka.

“Caqabada ka jirta Garbahaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka siyaaaadeed ee jira, waxa aad ogeydeeen shirarkii Dhuusamareeb 1, 2 iyo 3 qaar ay fashilmeen qaarna ay guleysteen, khilaafka ugu weyna waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay” ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada Axmed Safiina.

Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa ka kooban 275 xubnood, waxaana la doortay ilaa hada 153 Xildhibaan oo u dhiganta 55%, waxaana dhiman doorashada 122 Xildhibaan, iyadoo 25-ka Febaraayo 2022 ay tahay mudada ugu dambeysa ee Golaha Wadatashiga qaranka u qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada kuraasta Baarlamaanka cusub ee dalka.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online