7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 18, 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dilka Taliyahii Booliiska Baledweyne
 

Jimco, Febraayo, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dilka allah u naxariistee taliyahii Booliiska Baledweyne Laba xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duurgade.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in markii uu arkay madaxweynaha talo soo jeedinta hay’adaha Amniga Hirshabeelle uu garoowsaday in laga maarmaan ay tahay in baaris lagu sameeyo dilkii shalay loo geystay taliyihii Booliska Saldhiga Beledweyne inuu Magacaabay madaxweynaha xubnaha guddiga baarista dilka oo kala ah.

Gaashaanle Maxamed Cabuqaadir Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaalinyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo guddiga looga dhigay Guddoomiye. Guddoomiye ku xigeenka guddiga Xasan Dhicisow Xasan oo ah Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Xubin, Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay oo ah Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad Xubin, laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dalabeey oo ah Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Xubin,  laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye Xubin, laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed Xubin.

Xubnahaan guddiga ee uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa laga sugayaa baaritaanka dilkii loo geystay Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne oo Shalay barqadii ku geeriyooday israsaaseyn mudo kooban ku dhexmartay gudaha Saldhiga Baledweyne ciidamada Haramcad iyo kuwa Booliiska Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa saacadahii ugu dambeeyay gudaha magaalada Baledweyne laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo ay wadaan Maleeshiyaad ku heyb ah taliyaha la dilay, kuwaas oo sheegaya iney doonayaan iney cadaalad u helaan dilka allah u naxariiste Marxuum Duurdage oo aanan wali la aasin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online