7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 18, 2022
Jigjiga: Xubin horey ugamid ahaa dowladda oo Jigjiga lagu xiray

Jimco, Febraayo, 18, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Xabiib Muxumed Yusuf oo horey uga mid ahaa xukuumadda degaanka Soomaalida lagu xiray magaalada Jigjiga.

Xabiib ayaa sida wararku sheegayaan habeenkii xalay lagu xiray magaalada Jigjiga, waxaana xarigiisa HOL u caddeeyay mid kamid ah ehelladiisa u dhow, iyadoo wali aan la ogaan sababta keentay xariggiisa.

Xabiib Muxumed Yusuf ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowlad degaanka Soomaalida, gaar ahaan xukuumadda Mustafe cagjar, oo uu ahaa markii u damaysay Wasiirka Warfaafinta.

Waxaa xusid mudan in Xabiib uu markii u dambaysay ku jiray xubno isku magacaabay waxay ugu magac dareen, garabka sixitaanka ee Xisbiga Barwaaqo laantiisa dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo u badnaa xubno horey xilal uga soo qabtay xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo dowladduna ay sheegashadoodaas ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin.

Maalmahan ayaa waxaa degaanka ka jiray isfaham la'aan u dhaxaysay xukuumadda iyo xubno horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda, kuwaas oo lamagac baxay waxay ugu magac dareen, sixitaanka xisbiga Barwaaqo, kuwaas oo sheegay inay cabasho ka qabaan dowladda, isla markaana ay dhaliilsan yihiin qaab shaqeedka dowladda.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]