7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Raysal wasaare Rooble oo guddi ka kooban 34 xubnood u magacaabay gurmadka abaaraha
 

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka kooban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada, kuwaas oo ka shaqeyn doona dardar galinta gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen.

Guddigan oo ka kooban 34 xubnood oo uu gudsoomiye u yahay raysal wasaare ku xigeenka dalka  Mahdi Guuleed ayaa ah tiradii ugu badnayd ee loo magacaabo gurmadka abaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo ku mashquulsan arrimaha doorashada ayaa illaa iyo haatan sidii looga baahnaa ugaga jawaabin qeylo dhaanta dadka abaaraha saameeyeen ee ku nool gobolada.

Dowladdu waxay hadda taageero ay ka heshay dowladda Imaaraatka Carabta qorsheynaysaa in gurmad lagu gaarsiiyo gobolada ugu darran abaarta.

1.  Mahdi Maxamed Guuleed:  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS
2. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye : Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle:  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
4. Mudane Jamaal Maxamed Xasan:Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
5. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
6. Cismaan Abokor Dubbe: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
7. Mudane Cumar Cali Rooble: Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
8. Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir: Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
9. Marwo Shukri Maxamuud Afrax: Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo Biyaha
10. Mudane Xaamud Cali Xasan: Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka
11. Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil: Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha
12. Mudane Cabdullaahi Maxamed Shirwac
13. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
14. Mudane Sheekh Cabdulqaadir Soomow
15. Mudane Sheekh Yuusuf Cali Ceynte
16. Marwo Caasho Geelle Diiriye
17. Marwo Aamino Xaaji Cilmi
18. Marwo Caasho Shaacuur Ugaas
19. Marwo Batuulo Axmed Gaballe
20. Mudane Cabdi Axmed Baafo
21. Mudane Cabdi Aadan Hoosow
22. Mudane Dr.Maxamed Xaaji
23. Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi
24. Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan
25. .Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
26. Mudane Khadar Ismaaciil Jimcaale
27. Mudane Cabdulfataax Maxamed Cabdinuur.
28. Liibaan Cabdi Cali
29. Amina Axmed Samatar
30. Cali Maxamed Maxamuud
31. Yaasmiin Cabdi Maxame
32. Cabdi Ciise Diirshe
33. Kamaal Daahir Guutaale
34.Shucayb Cabdullaahi Xasan

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online