7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Jadwalka Doorashada lix kursi oo uu ku jiro kursi uu u tartamayo Fahad Yaasiin oo la shaaciyay
 

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw shaaciyay jadwalka doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraasta doorashadooda ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa kala ah HOP 008, HOP 015, HOP 074, HOP 086, HOP 109, HOP 274, kuwaas oo doorashadooda ay dhici doonto 20,ka bishaan Febraayo 2022.

Doorashada jadwalkeeda la soo saaray waxaa ku jira kursiga uu u tartamaayo taliyahii hore ee hay'adda NISA, haatana ah La taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoo kursigaasina Maanta warar soo baxay ay sheegayeen in Raysal wasaaraha Soomaaliya uu dalbaday in dib loo dhigo tartanka kursigaas, kaasoo hada ka dhigan in dalabkaasi uusan meel marin.

Hoos ka akhriso Jadwalka doorashada lixda kursi oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online