7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ka wada hadlay arrimaha Doorashada
 

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo khuseeya dhammeystirka, daahfurnaanta iyo amniga doorashada dalka.

Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo in aan cidna lagu xad gudbin.

Waxuu sidoo kale ka hadlay qoondada haweenka ee Golaha Shaacabka isagoo sheegay iney lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo  qoondada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%.

Raysal Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali doonin in ciidamada amnigu ku milmaan arrimaha doorashada ama loo adeegsado in dad gaar ah kuraas loogu boobo, waxa uuna ku boorriyay ciidammadu in ay ku ekaadaan kaalintooda sugidda amniga.

Kulankan ayaa imaanaya xili doorashada kuraasta Golaha Shacabka ay si habsami leh uga socoto deegaanada maamul goboleedyada dalka, walow ay wali jiraan cabashooyin xoogan oo la xariira kuraasta qaarkood oo shaqsiyaadkii ku fadhiyay laga reebay iney markale u tartamaan, waxaana shaqsiyaadkaasi ugu dambeeyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Muudeey oo laba maalin ka hor loo diiday inuu u duulo Baraawe si uu markale kursiga uu ku fadhiyo ugu soo tartamo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online