7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo goordhaw iscalisay

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee maamulka Galmudug Cabdinaasir Geelle ayaa goordhaw shaaciyay inuu iska casilay xilkii Wasiirnimo ee uu ka haayay maamulka Galmudug.

Cabdinaasir Geelle ma uusan faahfaahin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu iska casilo xilkii Wasaaradda qorsheynta Galmudug, waxuuna sheegay inuu dib kasoo faahfaahin doono ujeedada ka dambeysa iscasilaadiisa.

"Waxaan Maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.
Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sababta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahfaahin doono shir jaraaid. Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen” ayuu yiri Cabdinaasir Geelle.

Wasiirka Maanta iscalisay ayaa noqonaya Wasiirkii labaad ee iska casila maamulka Galmudug, iyadoo sanadkii lasoo dhaafay 2021 uu is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online