7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Golaha amaanka oo maanta shir isugu imaan doona si ay uga doodaan xaaladda Soomaaliya

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Amb Madeira ayaa galabta galinka dambe warbixin golaha ammaanka ka siin doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa ka doodi doona mustaqbalka joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waa arrin muhiim u ah Golaha, Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa la filayaa in si tartiib tartiib ah ay mas’uuliyadda amniga ugu wareejinayaan dowladda Soomaaliya.

Iyadoo 31-ka March ay ku egtahay waqtiga kama dambaysta ah ee dib-u-celinta AMISOM ee hadda jirta, Golaha ammaanka ayaa la filayaa inuu taageero howlgalka cusub ee lagu beddelayo AMISOM.

Golaha ayaa la filayaa in ay kulankooda kadib uu soo saaro bayaan ku saabsan doorashada aqalka hoose, isagoo ku boorin doona  in 25 bishaan febraayo lagusoo gabagabeeyo doorashada.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika, ayaa heshiis ku gaaray in la sameeyo howlgal cusub oo lagu magacaabo  ATMIS, kaas oo meesha ka saari doona howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ilaa hadda lama oga aragtida dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, oo ay ku jirto dowladda Kenya oo khilaaf diblumaasiyadeed uu kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online