7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in dib loo dhigo kursiga uu doonayo inuu u tartamo Fahad Yaasiin

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka dalbaday guddiga doorashooyinka heer Fedaraal in dib loo dhigo kursiga uu doonayo inuu u tartamo La taliyaha Amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasoo tirsigiisu yahay HOP 086, oo uu ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo la sheegay inuu howlo Caafimaad ugu maqannyahay dalka dibadiisa.

BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa baahisay in xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Fedaraal oo ka gaabsaday in magacyadooda la adeegsado in ay sheegeen in Raysal wasaare Rooble uu dalbaday in dib loo dhigo kursiga HOP 086, islamarkaana uusan la wadaagin guddiga sababta ka dambeysa in dib loo dhigo doorashada kursigan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u diyaarsan sidii Fahad Yaasiin uu u heli lahaa kursiga HOP 086, islamarkaana u sii  qorsheyneysa inuu usii tartamo xilka guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xiriirka Raysal wasaare Rooble iyo Fahad Yaasiin ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay 6-dii bishii September ee sanadkii dhamaaday ee 2021 oo shaqadii hay'adda NISA looga joojiyay Fahad Yaasiin sababo la xiriiray kiiska Ikraan Tahliil, inkastoo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo uu u magacaabay Fahad 7-dii September 2021 La taliyaha Amniga qaranka.

Kursiga HOP 086, ayaa ka mid ah 13 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baledweyne oo ay dhawaan shaaciyeen guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online