7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti oo faahfaahin ka bixisay heshiisyo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa dib ugu soo celisay gacanta dowladda Soomaaliya dhismayaal uu ka mid yahay dhismahii Bangiga dhexe ee Soomaaliya ku laheyd dalkaasi Jabuuti.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Jabuuti Salaad Cali Jeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Safaaradda ay ku guuleysatay in dib gacanteeda loogu soo celiyo dhismayaal uu ka mid yahay dhismahii Bangiga dhexe ee dowladda Soomaaliya.

Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in arintaan ay suurta gashay kadib markii uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaale, islamarkaana uu sheegay mudadii halka sano aheyd in Safaaradiisa ay dadaal badan ku bixisay in dib gacanta dowladda Soomaaliya loogu soo celiyo 9-kii bishaan Febraayo 2022, dhismayaashii ay dowladda Soomaaliyeed ku laheyd Jabuuti intii aysan burburin dowladdi dhexe ee dalka.

"Ka safaarad ahaan doorkeenii waan qaadanay oo dadaal dheer kadib ugu dambeyntii waxaa noo suurta gashay in heshiiska ay Jabuuti ku wareejineyso hantida dowladda Soomaaliya uu noo soo gabagaboobo 9-kii bishaan Febraayo 2022Guryihii aan ku laheyn dalkaan Jabuuti oo faracii Bandhiga Dhexe ee dalkaan uu ku jiro, hadda waxay soo galeen gacanta dowladda Soomaaliya" ayuu yiri Danjire Salaad Cali Jeelle.

Sikastaba ha ahaate waxaa jiray mudadii uu xukunka dalka haayay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madmadow badan oo soo kala dhexgalay wadashaqeyntii ka dhaxeysay dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online