7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar " Dhanka saxaafadda wax dhibaato ah kama jirto xagayaga"

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa sheegay in xoriyadda saxaafadda ee degaanka Soomaalida aysan wax dhibaato ah ka jirin, isla markaana aysan jirin wax cabudhin ah oo saxaafadda lagu hayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynuhu in xoriyadda ay saxaafaddu haysato, ay ka markhaati kacayso Warbaahinta kala duwan ee ka howlagasha dowlad degaanka Soomaalida, isla markaana ay siday doonaan uga soo warami karaan.

Balse waxa uu xusay Madaxweynuhu inay jiraan dad saxaafaddii u adeegsanaya siyaasad, wuxuuna yiri " Qof wariye ah oo markuu sii baxayo odhanaya dadkii dhintay baan soo sawirayaa, inay dhinteen iyo inkale war uma hayo, balse waa inaan soo helaa dadkii dhintay ee ay dowladdu ka seexatay oon soo sawiraa. Kaas inuu siyaasi yahay iyo in kale waala kala saari karaa".

Iyadoo ay sidaa tahay waxa uu Madaxweynuhu sheegay inay ku dadaalayaan un in warkii been ah la khashifo oo la muujiyo inuu been yahay, haddii uu buun buunin yahay la muujiyo inuu buun buunin yahay, haddii uu sharci darro yahayna sharcigii un la waafajiyo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in qofka wariyaha ahi masuuliyad ka saaran tahay warka uu gudbinayo inuu run yahay iyo inuu been yahay, iyadoo saxaafadd walba ay leedahay qawaaniin la raaco oo u dejisan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka dhawaajiyay warbaahinada qaar xidhan, oo uu sheegay inay ku xad gudbeen sharcigii u yaalay, isagoo xusay in sharcigu uusan ahayn ra'yi, ee uu yahay wax qoran.

Guud ahaan Madaxweyne Mustafe cagjar wuxuu xusay in dhanka saxaafadda degaanka aysan wax dhib ah ka jirin, qof kastana uu fikirkiisa cabbiri karo, balse qofkii sharciga baal mara uu sharcigu qabanayo, horey Madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in xorriyadda hadalku ay leedahay meel ay ka billaabanto iyo meel ay ku dhammaato.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]