7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya nin Ciraaqi ah oo Jeceyl dartiis u dilay Gabar Soomaaliyeed
 

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya dil maalin ka hor loogu geystay wadanka Maleysiya gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar.

Dilka gabartaan Soomaaliyeed ayaa la sheegaya inuu ka dambeeyay nin u dhashay wadanka Ciraaq oo qaxooti ku ahaa dalka Maleysiya, kaasoo la sheegay in gabadha Soomaaliyeed uu usoo bandhigtay xariir jaceyl ama guur, waxaana la tilmaamay iney diiday Dahabo Cumar  taasina loo maleynayo iney aheyd sababta dilkeeda.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa iyaguna sheegaya in booliska dalkaas oo kiiskaan gacanta ku haya aysan bixin xog faahfaahsan marka laga reebo inay u sheegeen in la qabtay ninka dilka gaystay oo xiran, isla markaana ay wadaan baaritaanno lagu oggaanayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

“Xogaha kale ee aan helayno waxay sheegayeen yarkii gabadha dilay inuu xiriir ka dalbaday isla markaana uu guursanayo balse ay ka diiday markaana uu dilay oo mindi ku dhuftay, xog ku filan marka ay naga siiyaan kiiska ayaa aaska marxuumadda laga howlgalayaa“ayay tiri Amal Maxamed Siciid oo Qunsulka Safaaradda Maleysiya.

Meydka Marxuumad Dahabo Cumar ayaa yaala Isbitaal ay dowlada Maleysiya leedahay waxaana madaxda Safaaradda Soomaalida ee dalkaasi ay sheegeen inaan la aasi doonin inta laga soo gabagabeynaayo baaritaanka kiiska.

Ehelada Marxuumadda oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya u diray baaq, ay ku codsanayaan in caddaalad loo helo gabadhooda, waxaana sidoo kale ay sheegeen in safaaradda Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Malaysiya in looga baahan yahay in ay dowladda ku cadaadiyaan sidii baaritaanno loogu sameyn lahaa kiiska gabadhooda Dahabo Cumar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online