7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 15, 2022
Madaxweyne Qoorqoor oo kulan iscafin ah la qaatay xubno kamid ah xildhibaannada galmudug
 

Talaado, Febraayo, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar .

Xildhibaanadan ayaa dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa kulanka uu la qaatay xildhibaannada Galmudug ku tilmaamay iscafin iyo dardaaran, maadaama uu is horkeenay shakhsiyaad cadaawad xumi ka dhaxaysay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Galmudug ayaa noqotay meesha ugu badan ee ay kasoo wada baxeen xildibaanno isugu jira mucaarad iyo muxaafid, waxaana arrintaas loo sababaynayaa saamaynta labada dhinac ay ku leeyihiin siyaasada Galmudug.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ahaa mucaaradka ugu weynaa madaxweyne Farmaajo ayaa doorashadiisa kadib sheegay, inuu guulaystay dimuqraadiyadii uu shanta sano u taagnaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online