7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Doorashada afar kursi oo laba ka mid ah ay kusoo baxeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur Iyo Cabdullaahi Kulane oo Maanta ka dhacday Dhuusamareeb
 

Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay maamulka Galmudug, kuwaas oo ka mid noqonaya Baarlamaanka 11-aad dalka.

Kursiga koowaad ee Maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ok tirsigiisu yahay HOP 138, waxaa kusoo baxay Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo helay dhamaan codadkii ergada oo ahaa 86 ergo, kadib markii ay tanaasushay Naciimo Xuseen Cali oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Kursiga labaad ee doorashadii Maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo sumadiisu yahay HOP 007, waxaana hab gacan taag ah kusoo baxay Faarax Cabdi Diini oo helay 76 cod oo ahaa dhamaan ergadii xaadirka aheyd, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali.

Kursiga sadaxaad ee tirsigiisu yahay HOP 040, waxaa ku guuleystay sida horayba loo sii saadaaliyay Cabdullaahi Aadan Kulane oo ah Sarkaal ka tirsan hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya, kaasoo helay 101 cod oo ahaa dhamaan ergadii goobta ku sugneyd, kadib markuu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa oo ahaa Xasan Cabdi Jaamac.

Kursiga afaraad ee Maanta lagu doortay Dhuusamareeb oo tirsigiisa uu yahay HOP 053, waxaa isku soo sharaxay ilaa 7 musharax oo dhamaantood dumar yihiin, waxaana ku soo baxay Raysal Qorane Abshir oo heshay 83 Cod, halka Fahmo Caabi Guureeye ay heshay 1 cod, iyadoo Musharaxiintii kale ee kala ahaa Ubax Cabdi Cali,  Zamzam Xasan Diiriye, Hani Cabdi Gaas aysan helin wax cod ah, halka Xaajiyo Axmed Gaas ay tanaasushay.

Doorashada Golaha Shacabka ee sida habsamida leh uga socota deegaanada maamul goboleedyada dalka ayaa sida heshiisku ahaa waxaa la filayaabin lagu soo gabagabeeyo 25-ka bishaan Febraayo 2022 oo ay ka dhiman tahay 11 maalmood.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online