7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Alshabaab oo xukun Rajmi ah ku fulisay haweeney ay ku eedeeyeen gogol dhaaf

Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa xukun rajmi ah (Dhagax ku lid) ku fuliyay haweenay ay ku eedeeyeen inay ku kacday fal Sino ah, iyadoo horey guur usoo martay.

Alshabaab ayaa xukunkan ku fuliyay goob fagaare ah oo kutaala deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan, halkaas oo boqolaal qof ay iska xaadiriyeen, si ay udaawadaan xukunka halkaas lagu fulinayay.

Maxkamadda Alshabaab ee gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in haweenaydan oo lagu magacaabi jiray Gurmad Faarax Arfax ay fal zina ah ku dhacday iyadoo horay guur usoo martay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale 100 karbayaash ku fulisay Qadar Faarax Cabdi oo la sheegay inuu falkaas Sinaada kula kacay haweenayda larajmiyay, iyadoo maxkamaddu tilmaamay in uusan isagu horey wax guur ah usoo marin.

Alshabab ayaa ku xukuntay Qadar Faarax Cabdi in muddo sannad ah laga musaafuriyo tuulada Booco.

Ururka Alshabaab ayaa marar badan sidaas oo kale xukunno dhagax ku dilid ah ka fulisay deegaannada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online