5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Xulka kubada Koleyga Soomaaliya oo gaaray afar dhamaadka tartanka wadamada Carabta


Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Xulka Kubbadda Koloyga Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray Koobka wadamada carabta ee Dubai ka socda, kadib markii ay gaareen wareega afar dhamaadka, iyagoo ka badiyay dalka Libya.

Soomaaliya ayaa Libya kaga adkaatay 92-88 dhibcood.

Guushaasi ayaa xulka Soomaaliya ka caawisay in ay u gudbaan wareega afar dhamaadka ee tartanka, iyadoo la cayaari doonta dalka Lubnaan oo isna usoo baxay wareegga afar dhammaadka.

Maalinta berrito ah ayay Soomaaliya iyo Lubnaan wada cayaaridoonaan.

Dalalka Tuniisa iyo Aljeeriya ayaa sidoo kale wada cayaaridoono afar dhamaadka, waxaana labada dal ee soo guulaysta ay isku arkidoonaan cayaarta kama dambeysta ah oo dhicidoonta maalinta arbacada ah.

Soomaaliya ayaa taariikh weyn dhigidoonta haddii ay ku guulaysato tartankan oo mid caalami ah oo ay ka qeyb galayaan dalalka carabta.

Tartanka oo ah tartanki 24-aad waxaa ka qeyb galaya todoba Dal, waxaana ka baaqaday dalka Marroco sababa la xiriira Covid19.

Soomaaliya ayaa lagasoo badiyay labadii kulankii ee ugu horraysa ee ay la cayaartay dalalka Lubnaan iyo Aljeeriya.

Cayaartoyda Soomaaliya u matalaya tartanka, waxay ka kala yimaadeen Muqdisho, Uganda, Maraykanka, Canada, France iyo UK.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online