7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay sababtii loogu diiday guddoomiye Muudeey inuu ka duulo garoonka Aadan Cadde
 

Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii looga celiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Ibraahin Muudeey oo shalay doonayay inuu u duulo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxuu sheegay afhayeenka Booliiska in guddoomiye Muudeey sababaha looga hor istaagay safarkiisa ay aheyd inuu watay ciidamo aad u farabadan oo hubeysan, islamarkaana aysan macquul ahayn in hub iyo ciidan farabadan ay ka baxaan garoonka.

"13-ka Febaraayo 2022 waxaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ka dhacay dhacdo yar oo quseysay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey oo u socday Baraawe oo ay ka dhaceyso Doorashada qaybta labaad ee kuraasta taal, ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka fakiraya masuuliyadda doorashada ayaa saraakiil wanaagsan u xulay nabadgalyada Baraawe, ma jirto sabab keeni karta in ciidan badan loo qaato Magaaladaas, garoonka Aadan Cadde waxaa lagu baraarugay ciidan hub badan wata oo rabo in ay diyaarad raacaan lana ogaaday in ay Baraawe tagaan balse Muudey waxaa lagu wargeliyay in keliya loo ogol yahay 5 askari oo waardiye u ah" ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Cabdifataax Aadan.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Musharaxiinta aadeysa deegaanada doorashada kuraasta Golaha Shacabka ka dhaceyso loo ogol yahay ilaalada gaarka ah oo gaaraya 4 ilaa 5 askari, iyadoo waxii intaasi ka badana aanan la aqbali doonin iney la duulaan.

Hadalkaan kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli shalay guddoomiye Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey loo diiday inuu u duulo degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ka socoto doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo uu ka mid yahay kursiga uu ku dhafiyo guddoomiye Muudeey.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online