7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Afar qof oo ku geeriyootay qarax miino oo ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar
 

Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo shacab ah.

Afarta ruux ee qaraxa miino ku dhintay ayaa la sheegay iney saarnayeen Mooto nooca sadax lugooleyda ah, kuwaas oo miinadu kula qaraxday inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in afarta ruux ee ku geeriyooday qaraxa miino iney ka mid ahayeen ganacsatada hilibka Geela iibisa, inkastoo aanan wali magacyadooda la helin.

Goobta uu qaraxa miino ku haleelay mootada dadka dhintay saarnayeen ayaa la sheegay iney mareen wax yar ka hor inta uusan qaraxan dhicin xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle, kuwaasi oo kusii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, si ay ugu duulaan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar oo ku aadan qaraxa ay ku dhinteen afarta qof ee shacabka ah, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi miino ee maanta ka dhacay duuleedka magaalada Jowhar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online