7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Guddiga doorashada Galmudug oo saaka qabanaya doorashada 4 kursi oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin caan ah

Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada Galmudug ayaa saaka qabanaya doorashada afar kursi oo labo kamid ah ay ku kala qoran yihiin hoggaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo agaasime ku xigeenkii hore ee hay'adda NISA, Cabdullaahi Kulane.

Tartanka ugu adag ayaa la filayaa inuu ahaan doono hal kursi oo ay ku wada qoran yihiin todobo musharrax oo haween ah, waana kursigii ugu horreeyay ee musharraxiin intaas tiro le’eg ay ku tartamayaan.

Doorashada musharraxiintan ayaa ka dhicidoonta magaalada Dhuusomareeb, waana mid kamid ah doorashooyinka aadka loo hadal hayo, oo la filayo inay kussoo baxaan mucaarad iyo muxaafid.

Musharrax Cabdullaahi Kulane ayaa bartiisa twitterka kusii qortay inuu yahay xildhibaan, waana cashar doorashadan socota laga bartay oo ah in musharraxiinta soo baxaysa horey loosii ogyahay.

Halkan ka akhriso sida kuraasta loogu kala tartamayo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online