7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 14, 2022
Somaliland: Shil khasaare nafeed gaystay oo ka dhacay degmada Arabsiyo
 

Isniin, Febraayo, 14, 2022 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay degmad Arabsiyo oo 30 kiilo mitir galbeed ka xigta magaalada Hargaysa.

Sarkaal ciidanka booliiska ka tirsan, ayaa sheegay in uu shilku ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen saddex baabuur.

"Halkan waxaa ka dhacay shil xun saddex gaadhi ayaa isku dhacay, hal dirawal wuu dhintay, shan qof na waa dhaawac culus, Isbitaalka Arabsiyo ayay yaalaan" ayuu yidhi. "waxa isku dhacay gaadhi Nooha ah, gaadhi Abaandhuule ah iyo gaadhi Dhayne ah".

Ciidamada booliiska ayaa goobta soo gadhay kadib markii uu shilku dhacay, iyadoo dhaawacana lagu dabiibayo Isbitaalka Arabsiyo.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]