7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 13, 2022
Guddoomiye Muudeey oo hadlay safar uu ku tagi lahaa magaalada Baraawe oo laga hor istaagay
 

Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee barlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, Cabdiweli Ibraahim Muudey, ayaa sheegay in laga joojiyay safar uu maanta ku aadi lahaa magaalada Baraawe.

Guddoomiye Muudey oo ah musharrax xildhibaan wuxuu ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed inay bixiyeen amarka isaga iyo ciiddanka ilaaladiisa looga hor istaagay inay ka duulaan Aadan Cadde.

“Waa arrin la yaableh oo aan adduunka ka jirin, in la yiraado qof tartamaya, ma tartami kartid. In la yiraahdo safar uu xaq u lahaa ma geli kartid, arrintaas cidda ka dambeysa ka garanayaa, waana arrin meel ka dhac ah oo gef ah,”ayuu yiri Muudeey.



Dhinaca kale, maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ay Baraawe ka mamnuuceen in lagasoo dajiyo hub iyo ciiddan ay wataan musharraxiin.

Waxay sheegeen arrintaas in ay xad gudub ku tahay amniga doorashada iyo nabad galyada magaalada Baraawe.

Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale goobaha doorashada ka dhacayso ka mamnuucday in wax hub ah lalasoo galo, waxayna sheegtay in guddiga amniga doorashu uu damaanad qaadayo amniga musharraxiinta tartamaya.

Guddoomiye Muudeey ayaa kamid ahaa ragga aadka ugu dhowaa dowladda madaxweyne Farmaajo, waxaana haatan ceel dheer ku dhacay rajadiisa kusoo laabashada barlamaanka soo socda.

Wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta muddada dheer kusoo jiray barlamaanka Soomaaliya. Horey waxaa sidaan oo kale kursigiisii u waayay Maxamed Cumar Dalxa oo muddo dheer ku jiray barlamaanka.

Dalxa oo isagana kursigiisa uu yaalay magaalada Baraawe ayaa sheegay in laga reebay inuu kamid noqdo musharraxiinta u sharraxan kursigiisa oo maalmo ka hor lagu doortay Baraawe.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online