7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 13, 2022
Madaxwayne Mustafe cagjar "Waxaa haboon in xishood lagu daro siyaasadda"
 

Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayaa kaga hadlay xaalad siyaasadeed oo la xiriira qaabka ay dowladdu uga jawaabayso Abaarta degaanka ka jirta, iyo waliba inay dowladdu laashay xoriyatul hadalkii iyo qofku inuu si xor ah fikirkiisa u dhiibto.

Madaxwaynaha ayaa qoraalkiisa ku billaabay "Buuqa siyaasadeed ee maalmahan la furayaa waa mid ujeeddadiisu caddahay xidhiidhna aan la lahayn arimaha lagu af gabaadsanayo, Marka waxaa haboon in aan wakhti lagu lumin ka jawaabidda waxyaalaha lugta lagu sii dhufanayo sida abaarta iyo xorriyadda siyaasadda oo ay shacabka u taal inay iyagu aaraa ka dhiibtaan sida wax yihiin, balse laga jawaabo eedeeymaha tooska ah iyo ujeeddooyinka ka dambeeya".

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka iyo sida ay Madaxwaynayaashii hore u yeelan karaan maamuuska iyo tixgalinta, oo uu su'aalo badan ka keenay,  isagoo leh " cid walba oo mansab Madaxweyne soo martay ma mudan tahay maamuus?, Maxaa maamuus lagu mutaa? Ma in aad magac mansab wadato mise in aad magaca mansabka u qalantid?".

Madaxwaynaha ayaa qoraalkiisa sii raaciyay " Miyaanay aheyn in shuruudo lagu xidho maamuuska, sida in qofka xaq u helaya maamuus inuu yahay qof aan dhibaateeyn shacabkiisa, mid si xor ah loo doortay, si nabad ahna xilka kaga tagay? Dambiile hala maamuuso ma afbaa? Ma caddaalad baa?".

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwaynuhu in mudnaan iyo ixtiraam uu leeyahay qofka maanta oo xaalad Abaar ah lagu jiro dadka wax tara, isagoo yiri "Cid walba oo maanta dadka abaaraysan wax u keenta miyayna mudnayn in la ixtiraamo? Yay tahay in la ixtiraamo? Ma qofka dadkoo gaajaysan anigu maxaan u dhargi la’ahay leh, ee calaf kii uu hayay bakhaar ku xareeystay mise ka meel fog raashin ka keenay isagoon waliba deegaanka u dhalan?

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale yiri " Magaaladda iyo miyigaba abaar baa ka jirta marka la leeyahay miyayna aheyn in la kala saaro oo miyigana abaar magaaladana busaarad la yidhaa? Abaar iyo busaarad in la isku qaldo miyay tahay, oo iyadoo busaarad laga cabanayo abaar laga hadlo? Ma maantoo dadkii abaar la daalaa dhacayo ayay aheyd maalinkii maamus loo dudi lahaa, busaaradna laga caban lahaa?".

Mar uu ka hadlayay dhanka xoriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadda, waxa uu sheegay in uu jiro meel uu ka billowdo iyo meel uu ku dhammaado, wuxuunna xusay in xorriyatul hadalku uusan ahayn xoriyatul qalalaase, waa siduu hadalkau dhigayee.

Hadalladan Madaxwayne Mustafe ayaa sida muuqata daba socday, cabasho kasoo yeertay Madaxwaynayaashii hore ee degaanka Soomaalida, oo sheegay in aysan dowladda ka helin ixtiraamkii ay lahaayeen iyagu.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]