7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 13, 2022
Mulaxamiiste Cabdikariin Faarax Qaarey, (Jiir) oo Muqdisho ku geeriyooday
 

Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Allaha Unaxariisto waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Mulaxamiistihii weynaa, Cabdikariin Faarax Jiir Qaareey oo kamid ahaa bahdii Hoblada Fanka Waaberi ee Soomaaliya

Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, wuxuuna saakay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer, sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan isbitaalka uu ku geeriyooday.

Mulaxanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga deyrinayay xaaladdiisa caafimaadka, waxaana la sheegay inuu guulaysan waayay qorshe lagu waday in dalka dibaddiisa loo qaado, si caafimaadkiisa loola tacaalo.

Cabdikariin wuxuu si rasmi ah fanka ugu biiray sanadka markuu ahaa 1962, isagoo noqday mid ka shaqeeya Radio Muqdisho.

Muddo dheer kadib ayuu wuxuu u badashay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta qaybta suugaanta, halkaas uu muddo ka shaqeynayey.

Waxaa lagu xasuustaa inuu lahaa mulaxanka heeso badan oo caan ah oo ay ku luuqeeyeen fanaaniinta hore ee Soomaaliya, sida Xasan Aadan Samatar, Xaliimo Khaliif Magool, Cabdinaasir Cabdulle iyo kuwa kaloo badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online