7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 13, 2022
Dowladda Imaaraadka oo sheegtay inay hawlo gargaar oo dheeri ah u soo dirayso Soomaaliya
 

Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan, Wakiilka Gobolka Al Dhafra, ahna Guddoomiyaha Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta (ERC), ayaa amray xoojinta howlaha gargaarka ee loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Arrrintaan waxay ka dambeysay xidhiidh uu la yeeshay weftiga bisha cas ee haatan ku sugan Soomaaliya si ay barnaamijyo bini’aadanimo uga fuliyaan gobollada ay aafeeyeen abaaruhu.

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa waaxa uu warbixin ka dhageystay madaxa bisha cas Mohamed Khamis Al Kaabi, isagoo uga warbixiyay xaalada bini’aadantinimo ee Soomaaliya guud ahaan iyo faah faahinta barnaamijka gurmadka ay ka wadaan gudaha dalka.

"Imaaraadku wax dadaal ah lama haridoono si ay u daboolaan baahiyaha bini'aadantinimo ee Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada gargaarka," ayuu yidhi. Zayed Al Nahyan.

Soomaaliya waxaaa xilligan ka taagan abaartii ugu xumayd ee dalka soo marta muddo toban sano ah. Sannadkii 2011 ayay ahayd markii ay Soomaaliya ka dhacday abaartii ugu xumayd, taasoo sababtay in boqolaal qof ugu geeriyoodeen gaajo iyo haraad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online