7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 13, 2022
Somaliland miyay xidhiidhka u jari doonta Taiwan hadii China maal gashado?
 

Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Wasiirka Maalliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa China maal gashan karo, laakin ay xaq u leedahay in ay xidhiidh la samaysato cida ay rabto.

Muuqbaahiyaha laga leeyahay Taiwan ee TVBSNews, oo waraysi gaar ah ka qaaday wasiir Shire, ayaa waydiiy waxa ay Somaliland samayn lahayd hadii uu China Somaliland maalgashado, lakiin uu ku xidho in ay xidhiidhka u jarto Taiwan.

Wasiir Shire ayaa ku jawaabay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa China maalgashan karo, laakiin ay iyadu leedahay go'aanka cida ay rabto in ay xidhiidh la samaysato.

"Somaliland way u furan tahay cidkasta oo maalgashanaysa oo uu China ku jiro, laakiinse marka ay noqoto go'aamada yada iyo siyaasada yada cida aanu doonayno in aanu xidhiidh la yeelano, waxan filayaa in ay tahay xuquuq gaar ah oo aanu leenahay" ayuu yidhi wasiir Shire.

Xukuumada Somaliland ayaa hore dowlada China uga diiday in ay xidhiidhka Taiwan dhaafsato maalgashi uu China ku sameeyo Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]