7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 13, 2022
Qaar kamid ah Madax-waynayaashii hore ee degaanka Soomaalida oo dhaliilay xukuumadda Mustafe cagjar

Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah Madaxwaynayaashii hore ee dowlad degaanka Soomaalida soo maray, oo ay kamid yihiin Cabdulaahi Xasan Lugbuur, Khadar Macalin iyo Axmed Makaahiil, ayaa xukuumadda Mustafe cagjar ku dhaliilay inaysan siin ixtiraamkii ay mudnaayeen madaxdaasi hore.

Haddaba Khadar macallin oo kamid ahaa Madaxwaynayaashii hore ee degaanka soo martay ayaa sheegay in guryo horey looga dumiyay ay dowladda Mustafe cagjar ku tiri magdhow ayaa la idiin siinayaa, balse aan wali taa la fulin.

Waxa kale oo uu sheegay in isagu dhul beereed uu lahaa laga burburiyay, shaqaalihii ka shaqaynayayna laga kala cayriyay, waxa uuna arrintan masuuliyadeeda dusha ka saaray maamulka degmada uu degganaa.

Arrintan ayuu Khadar macalin ku tilmaamay in la rabo in lagu cabsi galiyo sidii aysan fikirkooda si xor ah aysan u dhiiban, waxa uuna sheegay inaan marna lagu cabsi galin karin inay fikirkooda si xor ah u dhiibtaan.

Geesta kale Madaxwaynayshan hore ayaa xukuumadda Mustafe cagjar ugu baaqay inay hoos u eegto xaaladda Abaarta, oo ay sheegeen inaysan dowladdu wali sidii la rabay uga jawaabin, sidoo kalena fiiro gaar ah loo yeesho arrimaha ku saabsan wada hadalka heer qaran ee dhawaan la filayo inuu dalka Itoobiya ka dhaco.

Ugu dambayn waxay Madaxwaynayaashii hore ee degaanka Soomaalida sheegeen inaysan rabin Kursi iyo xil, sidoo kalena aysan kamid ahayn xisbi, balse ay yihiin un Madaxwaynayaal hore oo Odayaal ah, tusaalena u noqda dadka oo beerahooda iska qota.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]