5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 12, 2022
Ilhan Cumar oo Maamulka Biden ugu baaqday in dib u eegis lagu sameeyo cunaqabateyn Maraykanku saaray Soomaaliya
 

Sabti, Febraayo, 12, 2022 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Omar oo katirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa warqad u qortay Maamulka madaxweyne Joe Biden, taasoo ku baaqaysa in dib u eegis lagu sameeyo cunaqabateyn la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012, taasoo weli taagan.

Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddeshay. Ilhan Omar ayaa warqadda ku weydiinaysa maamulka Biden sida siyaasadda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiraatiijiyadda ballaaran ee Soomaaliya.

April 13, 2010 Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa soo saaray amar fulineed oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka budhcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Cunaqabateynta ayaa isla markiiba dhaqan gashay.

Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsiyaadka ama hay'adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabadda, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in lagusoo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online