7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London oo soo dhowayn u sameysay qunsulka cusub ee safaaradda Soomaaliya ee London


Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK gaar ahaan magaalada London ayaa soo dhaweeyn u sameeyay Qunsulka  cusub ee dowladda Soomaaliya u magacowday safaaradda London.

Qunsulka oo lagu magacaabo Dayib Maxamuud Sheikh, ayaa loo sameeyay xaflad lagusoo dhoweynayay, waxaana dadkii ka hadlay ay ku tilmaameen inuu yahay masuul ku haboon shaqada loosoo magacaabay, kanasoo bixi kara.

Kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa ballanqaaday in ay la shaqeyndoonaan qunsulka iyo safiirka cusub, iyagoo sheegay in UK oo ah meelaha Soomaalidu ku badan tahay ay u baahan tahay safaarad iyo qunauliyad si dhab ah ugu adeegta shacabkeeda.

Qunsul Dayib Maxamuud Sheikh ayaa sheegay isaga iyo safiirka in ay ka go'an tahay in ay wax ka qabtaan dhibaatadda shacabka Soomaaliyeed ku haysta Uk hadday ahaan lahayd dhallinyarada xabsiyada ku xiran iyo hooyooyinka carruurtooda laga haysto.

" Annaga waxaan matalnaa idinka, waxaana naga go'an inaan geed dheer iyo mid gaaban u fuulno sidii idinku aad sharaf u yeelan lahaydeen " ayuu yiri qunsulka Soomaaliya ee safaaradda London.

Dayib Maxamuud Sheikh ayaa qeyb ka ahaa safiirro iyo qunsuliin dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday dalalka caalamka.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online