7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay in ay Soomaaliya ku fadhido kuraas anay xaq lahayn

Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R Ciise  Kayd Maxamuud, oo warbaahinta kula hadlay caasimada Taiwan ee Taipei, ayaa sheegay in Soomaaliya anay xaq u lahayn in ay ku fadhido kuraasta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Wasiir Kayd ayaa sheegay in Somaliland xaq u lahayd in ay ku fadhido kuraasta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, madaama buu yidhi Somaliland la hor aqoonsaday markii ay xornimada qaadatay.

"Hadii ay jirto cid ku fadhida kursi qaldan waa Soomaaliya, maxaa yeelay markii aanu xornimada qaadanahay 26 June, 1960, 4 cisho kadib ayaanu calankayagii u gaynay, iyada oo aan la aqoonsan, Soomaaliya waligeed lama aqoonsan" ayuu yidhi wasiir Kayd.

"Waxay ku fadhiyaan kursigii Qaramada Midoobay ee ay ahayd in aanu anagu ku fadhino, waxay ku fadhiyaan kurisigii Midowga Afrika ee ay ahayd in aanu anagu ku fadhino, waayo anaga ayaa nala hor aqoonsaday".

Wasiir Kayd ayaa sheegay in Somaliland ay aqoonsadeen 35 dal oo 12 kamid ahi Afrikaan yihiin markii ay xoriyada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Wasiir Kayd iyo wasiirada kale ee ku wehelinaya safarkiisa, ayaa kulan warbaahinta ay kula qaateen caasimada Taipei kaga jawaabay su'aalo badan oo saxaafadu waydiisay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]