7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
Somaliland oo ka jawaabtay eedayn uu China u jeediyay xidhidhka ay la leedahay Taiwan

Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise  Kayd Maxamuud, oo ka jawaabay eedayn ay dowlada China todobaadkii hore u jeedisay Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland ay xor tahay, isla markaana anay jirin, cid u yeedhin karta cida ay la saaxibayso.

Warkan oo ay qortay wakaalada wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay in wasiir Kayd uu dowlada China u sheegay in Somaliland ay xor tahay sidaa darteedna anay cidna kala tashanayn cida ay la xidhiidhayso.

"China nooma yeedhin karo cida Somaliland xidhiidh la yeelanayso, madama oo ay tahay qaran xor ah, xornimaana ku dhashay" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyada Dadka ee China, ayaa todobaadkii hore xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ku tilmaamay mid khatar ku ah madaxbannaanida iyo mid nimada China iyo dalal kale oo aanu xusin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]