7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
Hargaysa: Sara u kac ku yimid qiimaha shidaalka iyo biyaha

Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Qiimaha biyaha booyaduhu shubaan ee magaalada Hargaysa, ayaa qaaliyoobay shidaalka oo qaaliyoobay awgeed, isla markaana dirawalada booyadaha ayaa ku doodaya in ay tahay in shidaalka la jabiyo, si ay biyaha u jabiyaan.

"Hadii aanu nahay booyad layda biyaha magaalada u dhaamiya, waxaanu ka cabanaynaa shidaalka oo si qayral caadi ah u qaali garoobay...markaa markii wixiiba eber eber noqdeen ayaanu socon kari waynay" sida waxa BBC Somali u sheegay Cabdifatax Nuur Bookh, oo kamid ah booyad layda Hargaysa.

Bookh ayaa intaa ku daray in biyuhu qaaliyoobeen kadib markii ay qaaliyowday naaftada oo booyad laydu ay isticmaalaan, isagoo sheegay in aanay bulshadu xamili karayn kor u kaca qiimaha biyaha.

"Naaftadu markii hore 116000sh ayay ahayd imikana waxay maraysa 146000sh waa wax qayrul caadi ah...foostada biyaha ah 11000sh ayaanu siin jirnay imikana 14000-15000sh ayaanu ka dhignay dadkuna ma qaadi karaan" ayuu yidhi Bookh.

Waxa uu sheegay in ay xukuumada iyo maamulka casimada Hargaysa, ay u gudbiyeen cabashadooda, lakin aan wali waxba laga qaban.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]