7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
Guddoomiyaha ONLF " Madaxwayne Mustafe dhaqankii hore u jiri jiray umbuu waji cusub u yeelay"

Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi ayaa sheegay in isbaddalkii dalka Itoobiya ka dhacay uusan saamayn badan ku yeelan dhanka dowlad degaanka Soomaalida, oo waxbadan ay sidoodii un yihiin.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in degaanka Soomaalida aysan waxba iska badalin marka loo eego dhanka xorriyadda hadalka iyo in dadku aysan fikirkoodu si xor ah u dhiiban karin, waa siduu Guddoomiyuhu hadalka u dhigay.

" ONLF dad baa ku gadooday, oo yiri ONLF manihin iyo waxbaan saxaynaa, anagu wax dhib ah umaan gaysan, isagaa xafiisyo u furay" ayuu yiri Guddoomiyuhu, isagoo hadalkiisa sii raaciyay in taa baddalkeeda uu Madaxwayne Mustafe cagjar uu dhibaateeyay dadkii xisbigiisa ka tirsanaa ee arkay maamul xumida meesha ka jirta, iskuna dayay inay wax saxaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhaliilo usoo jeediyay Madaxwayne Mustafe cagjar, oo uu sheegay inuu wato dhaqankii iyo dabeecadihii horey u jiri jiray ee maamulkii isaga ka horeeyay uu lahaa, oo uu waji cusub un u yeelay, isagoo ku tilmaamay xukuumadda Mustafe mid shaatiga un loo baddalay.

Guddoomiyaha ayaa hadalladan kasoo jeediyay kulan iyaga iyo Golaha danta Soomaaliyeed maalmahan uga socday Nayrobi, kulankaas oo lagu gorfaynayay xaaladda guud ee dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo labada dhinacna waa ONLF iyo goluhu ay qodobo dhawr ah isku afgarteen.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]