7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
Ambassador Cawad: hanjabaada Maraykanka waxay dhiirri galinaysaa in doorashada laga ilaaliyo dib u dhac dambe

Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda  Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad,  ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay cunaqabataynta uu Maraykanku sheegay inuu kusoo rogayo kuwa carqalada ku ah doorashada Soomaaliya.

Ambassador Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in go'aanka Maraykanka uu yahay mid dhiirri galinaya in madaxda Soomaalida, hadday ahaan lahaayeen madaxda federalka iyo dowlad goboleedyada, lagula xisaabtamo gabood falada doorashada.

Cawad waxa uu sheegay in cuna-qabatayntu imaan karto haddii ay doorashada waqtigeeda dib uga dhaco, taasoo uu sheegay in ay keeni karto in madaxda hadda jooga iyo qoysaskooda in laga mamnuuco inay u safraan Maraykanka.

"Qof kasta oo masuuliyad ku leh doorashada ayay ku socotaa farriinta Maraykanka, waxaana loo sheegayaa in ay doorashada waqtigeeda ku qabtaan, kana digtoonaadaan maasuqaan," ayuu yiri Cawad.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu u sheegay masuuliyiinta Soomaaliya in ay dhab u qaataan farriinta Maraykanka ayna doorashada masuuliyad iska saaraan, si horey loogu socdo.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online