7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
6 kamid ah ergooyinka doorashada oo lagu dilay qarixii ismiidaaminta ee shalay Muqdisho ka dhacay

Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday gaari bas ah oo ay ka buuxeen ergada doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi, ayaa ugu yaraan waxaa lagu dilay lix qof oo kamid ah ergadaas, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Weerarka ayaa dhacay xilli ergadu kasoo laabatay  codaynta doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee gobolada waqooyi(Somaliland), wuxuuna weerarku ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab oo ah meel aad u mashquul badan.

Sarkaal katirsan dowladda oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in tirada la xaqiijiyay ee dhimashada ergadu ay tahay lix qof halka 12 kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen.

"Waxa aanu saarnayn baskii isgoyska marayey, waxa aan arkayey qof baska u sii ordaya iyo booliiska oo ku qaylinaya ‘istaag' oo qoriga ku taagaya. Kadibna waxaan maqalnay laba xabbadood iyo qarax,” Saado Cabdillaahi, oo ka mid ah ergada ayaa  u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Alshabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen in ay ku dileen 5 kamid  ah ergada doorashada iyo dhaawaca 6 kale.

Waa weerarkii ugu horreeyay oo ay Alshabaab la beegsato ergada doorashada, waxayna sheegtay in ay bilowday beegsiga ergooyinka cusub ee doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online