7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 11, 2022
Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada 13 kursi oo aqalka hoose ah
 

Jimco, Febraayo, 11, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa wuxuu shaaciyay qeybtii labaad 13 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe .

Waa tiradii ugu dambeysay ee doorashada kuraasta taala magaalada Baraawe iyadoo shalay lasoo gabagabeeyay 13 kii kursi ee ugu horreeyay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si dardar ku wada doorashada aqalka hoose, waana maamulkii ugu horreeyay ee doorashada ku qabta magaalada labaad ee deegaanka doorashada.

Wajiyo cusub oo u badan dhallinyaro ayaa kusoo baxay doorashada ka socota Koonfur Galbeed, waxaana meesha ka baxay xildhibaanno muddo dheer kusoo jiray barlamaanka aqalka hoose.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online