7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 1 , 2022
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka Carabta

Talaado, Febraayo, 1, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Mohamed bin Rashid Al Maktoum oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Rooble ayaa todobaadkan u dhoofay dalka Imaaraadka, waana safarkii ugu horeeyay uu ku tago dalkaas  tan iyo markii madaxda Imaaraatka Carabta ay xiriirka u jareen Soomaaliya sanadkii 2018-kii.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad uga raali galiyay Imaaraadka lacag looga xayiray Muqdisho 2018, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu soo nooleeyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee xumaaday.

Weli si rasmi ah looma shaacin wada-hadallada u dhexeeya Rooble iyo dhiggiisa Imaaraadka, balse waxaa jira warar ay warbaahinta gudaha ka helayso safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu ugudbiyay madaxda UAE  tallooyin ku saabsan arrimaha doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online