7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 1 , 2022
Puntland iyo shirkaddaha ganacsiga oo go'aan ka gaaray qiimaha gaaska cuntada lagu karsado

Talaado, Febraayo, 1, 2022 (HOL) - Puntland iyo shirkaddaha ka ganacsada gaaska cuntada lagu karsado ayaa heshiis ku gaaray in wax laga beddelo qiimaha haatan lagu iibiyo gaaska, kadib markii dadweynuhu walaac ka muujiyeen sare ukacac xooggan oo gaaska ku yimid.

Kulan maanta ay yeesheen labada dhinac ayaa lagu jaangooyay qiimo go'an oo shirkadduhu ku iibindoonaan gaaska cuntada lagu karsado.

Waxaa lagu heshiiyay in maamulka Puntland uu canshuur dhaaf u sameeyo shirkaddaha gaaska, halka shirkadduhuna ay jebiyeen qiimaha gaaska.

Halkaan hoose ka akhriso go'aanka lasoo saaray.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online