7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 1 , 2022
Dagaal khasaare geystay oo degmada Afmadoow ku dhexmaray ciidanka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab

Talaado, Febraayo, 1, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ku dhexmaray degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Jubbaland, kaaso geystay khasaare iaugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jubbaland ku leeyihiin degmada afmadoow, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo aragagax balaaran ku beeray dadka ku dhaqan degmadaasi.

Dadka ku nool degmada Afmadoow ayaa sheegay in dagaalka uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland mid kalana uu ku dhaawacmay, inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha gaaray dhinaca Al-shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab iyo saraakiisha ciidamada Jubbaland oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac ee ku dhex dagaalamay degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online