7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 1 , 2022
Dagaal Khasaare Badan geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Talaado, Febraayo, 1, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Haraale oo ka mid ah deegaanada hoos taga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Dagaalka dhexmaray labada Maleeshiyo beeleed oo ahaa Xoolo dhaqato ayaa la sheegay inuu ka bilaawday arrimo la xariiray dhul daaqsimeed sababay inuu dhaco dagaalkan khasaaraha geystay ee dhexmaray labada beelood.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi ku dhintay ilaa lix ruux, waxaana ku dhaawacmay sideed ruux oo kale, kuwaaas oo dhaawacyadooda lakala geeyay magaaloyinka Balanbale iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadka ku nool deegaanka Haraale waxa ay sheegeen in dagaalkaan uu yahay mid kusoo noqnoqday deegaanka, waxaana dhowrkii sano ee la soo dhaafay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug ka dhacay dagaal beeleedyo u dhaxeeyay Maleshiyaad wada dega deegaanada gobolka Galgaduud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online