Siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland oo war kulul kasoo saaray xaalada magaalada Laascaanood

 

Jimco, December, 30, 2022 (HOL) - Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada maamulka Puntland, islamarkaana qaarkood xilal ka soo qabtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta war saxaafadeed ka soo saaray Xaalada mafaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

newsinsideSiyaasiyiintan oo ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay rabashadaha ka socda magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyay maamulka Soomaaliland inay xasuuq ka wadaan magaalada Laascaanood, iyagoona uga digay Soomaaliland iney sii wadaan besgsiga iyo barakicinta dadka Shacabka ah.

Xubnahaan siyaasiyiinta ah ayaa sidoo kale ku dhaliilay maamulka Puntland inuu dhegaha ka fureysatay xaalada amni iyo mida Bani’aadanimo ee ka taagan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Laascaanood.

Siyaasiyiintaan ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Fedaraalka iyo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran inay ka baaqsadeen inay cambaareeyaan oo wax war ah ka soo saaraan xaalada Laascaanood, iyagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney waajib ku tahay ka warqabka sharafka iyo nabadgalyada qofka Soomaaliga ah oo ay ka mid yihiin dadka reer oo ay sheegeen iney dhibane u yihiin midnimada Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso War saxafadeedka Siyaasiyiinta soo saaree;-