Hiiraan Online
11/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
Madaxweyne Deni oo ururada siyaasada ka diiday in wax laga bedelo qodobo ku jira xeerka doorashada
Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka diiday ururada siyaasada in wax ka beddel lagu sameeyo labo qodob oo katirsan xeerka doorashada.
Labadan qodob ayaa ah in la furo nidaamka xisbiyada xaddidan ee dastuurka Puntland uu dhigayo, iyo in la dhimo tirada xildhibaannada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu 9 qodob oo kamid ah qodobadii ay soo jeediyeen ururada siyaasadu ay tabashadoodii xalliyeen, balse wuxuu sheegay labadan qodob oo mid kamid ah uu dastuuri yahay in uusan waxba ka beddeli karin.
Ururada siyaasada ayaa kasoo horjeeda in xisbiyadu ku xaddidnaadaan 3 xisbi muddo 10 sano ah. Waxay sidoo kale sheegeen inay muhiim tahay in la dhimo tirada kuraasta badan ee golayaasha deegaanka.
Qodobadan la isku khilaafsan yahay ayaa laga yabaaa inay khikaaf ka dhex abuuraan doorashooyinka soo socda ee Puntland, iyadoo guddiga doorashada uu shanta january billaabayo diiwaan galinta codbixiyaasha doorashada dowladdaha hoose.