4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
SALAAM AFRICAN BANK oo la wareegay “TOP FINANCE BANK Limited” Oo ah Bank laga leeyahay Dalka Uganda
 

Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - War-saxaafadeed rasmi ah oo shalay oo ay taariikhdu aheyd 8 August, 2022 ka soo baxay Bangiga dhexe ee Uganda (Bank of Uganda), ayaa lagu shaaciyay in Bangiga SALAAM AFRICAN SAB uu si rasmi ah ula wareegay lahaanshaha TOP FINANCE BANK Limited oo laga furay dalka Uganda sanadkii 2012.

“Waxaan halkan bulshada ku wargelinaynaa in SALAAM AFRICAN BANK(SAB) oo xaruntiisu tahay dalka Djibouti uu si rasmi ah ula wareegay bangigii TOP FINANCE BANK, kala wareeggan wuxuu ku suurtogalay iyadoo la raacayo ogolaanshaha BANK OF UGANDA laguma saleeyey SHARCIGA HAY’ADAHA MAALIYADDA (Financial Institutions Act – FIA) 2004 iyo wixii shuruuc ah ee uu jideeyey” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

SALAAM AFRICAN BANK oo xaruntiisu tahay dalka Djibouti oo la furay sanadkii 2008, waana bangiga ugu weyn uguna maalgelinta badan dalkaas, sida ay sheegeen hay’ado kala duwan.

Ku dhawaad shan iyo tobanka sano oo uu furnaa SAB waxuu door laxaad leh ku yeeshay dhaqaalaha iyo horumarka Djibouti isagoo sidoo kale cagaha dhigtay isuna ballaariyey wadamada Kenya, Ethiopia, Uganda Iyo waliba Malaysia oo dhawaan uu ka hirgeliyey WAAFI BANK.

SAB oo sida ku cad waraaxaafadeedka Ka soo baxay Bank of Uganda (BOU) haatan si rasmi ah ula wareegay Top Finance Bank Limited, wuxuu noqonayaa bangigii u horreeyey ee Islaami ah ee laga hirgeliyo dalka Uganda 2-dii February, 2018, kadib markii dalkaasi uu sharciyeeyey xeerarka Bangiyada Islaamiga ah “Financial institutions (Islamic Banking) regulations”

Caga-dhigashada SAB ee Uganda wuxuu calaamad muuqata u yahay ujeedooyinka uu bangigu leeyahay ee ah inuu qayb laxaad leh Ka qaato isku xirka ganacsi dalalka Iyo bulshooyinka Afrikada Bari, geeska Afrika iyo Bariga Fog.