4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo soo dhaweeyay ansixinta Xukuumadda cusub oo uu horay u dhaliilay
 

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo dhaweeyay ansixinta Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo uu horay u dhaliilay dhismaheeda.

Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wali aysan meesha ka bixin tabashadii beeshiisa ay qabtay, isagoona sheegay iney wadahadalo dhexmareen isaga iyo raysal wasaare Xamse ka hor inta aanan la ansixin Xukuumadda, taasina ay keentay inuu badalo mowqifkisii hore.

“Waan u hambalyeynayaa ansixinta Xukuumadda Raysal wasaare Xamse, maalin dhaweyd aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa aan kasoo saarnay dhaliil, haddana inta aan ansixinta la gaarin waan wada hadalnay waxa aan kaga heshiinay in tabashadaas wax la qabto, xalkeedana uu jiro, qarankana horay u socdo oo aan isbaaro iyo Lug gooyo lagu sameyn horusocodka dalka” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sidoo kale tlmaamay in Xukuumadda cusub uu ka rejeynaayo iney wax badan ka qaban doonto xaaladaha adag ee xligaan dalka ka jiro sida Abaaraha iyo amniga.

“Xukuumaddaan xilliga dalka uu marayo xagga amniga, Midnimada Bulshada, Dhaqaalaha, Abaarta, Mishkilada ku hareereysan aad iyo aad ayay u farabadan yihiin, Xukuumaddaan waxaa laga filan karaa iyada oo arrintaan ku xisaabtameyso, waaya aragnima ay jirto, marka la fiiriyo Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumadda inteeda badan oo xog ogaal u ah mar xaladahii kala duwana ee dalka uu soo maray dhowr iyo sodonki sano ee lasoo dhaafay" ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa imaanaya xili shalay Xildhibaanadda Golaha Shacabka ay ansixiyeen golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]