4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Maanta la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmooyin Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib howlgalo balaaran oo saacadihii ugu dambeeyay ay sameeyeen ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Deegaanada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay Maanta la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Bukure, Laassaban, Coomaad, Bacda, Qabno iyo tuulooyin kale, waxaana howlgaladaasi hoggaaminaayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Deegaanada qaar ee Maanta la wareegeen ciidanka dowladda waxaa ka mid ahaa deegaano shalay dyaaradaha dagaalka dowladda Itoobiya ay ka fuliyeen duqeymo culus oo la sheegay iney la eegteen Saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen deegaanada Qanbo iyo Buurta surtaag oo ah deegaano hoostaga degmada Matabaan.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa waxay sheegeen in ciidanka ay sii wadi doonaan howlgalada culus oo ay kula dagaalamayaan Shabaab, xili Al-shabaab shalay galinkii dambe ay gubeen ilaa 7 tuulo oo ka mid ah tulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, islamarkaana ay qarxiyeen Ceelashii biyaha ka cabayeen dadka iyo duunyada ku noola deegaanadaasi.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte oo hoggaaminaayo ciidamo aad u fara badan ayaa mudo laba bilood ku dhaw waxay ku sugan yihin inta u dhaxeysa magaalooyinka Maxaas, Matabaan iyo Baledweyne, iyagoo sheegay iney wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, hayeeshee Al-shabaab ayaa wali ku sugan deegaanadii ay horay u joogeen mana jirto wax isbadal ah oo ay soo kordhiyeen howlgalada labada bilood qaatay ee cidanka dowladda iyo guddoomiye Jeyte ay ka wadaan inta u dhaxeysa Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]