4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 8 , 2022
Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inay ka go'an tahay sii wadida taageerada Soomaaliya
 

Isniin, Agoosto, 8, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xalay oo Axad ahayd.

Madaxweyne Erdogaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu sii wadi doono garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Wadahadalka taleefoonka ayaa ku soo aadaya wax yar hal bil kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga.

Turkiga waa saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya wuxuuna tababaraa ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay taageertaa miisaaniyada dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ankara waxa ay hadda ku tababartaa kumanaan ciidamo gaar ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis, waxayna ku tababartaa xerada  TurkSom, oo ah saldhigga ugu weyn ee Turkiga ku leeyahay dibadda.