4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 7 , 2022
Puntland oo soo bandhigtay muwaadiniin kasoo jeeda Itoobiya oo ka tirsanaaa Daacish
 

Axad, Agoosto, 7, 2022 (HOL) - Puntland ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigtay afar nin oo kasoo jeeda Oromada dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku eedeysay inay ahaayeen shabakabad katirsan Daacish.

Wareysi laga qaaday raggan, waxay ku sheegeen in been loo sheegay oo lagu qiyaanay in la geynayo dalka dibaddiisa. Kadibna loo geeyay Daacish si ay uga mid noqdaan ururkaas.

Waxay sheegeen in magacyada laga beddelay, loona bixiyay magacyo gaar ah oo Daacish u bixiso dagaalamayaasha cusub ee kusoo biira.

Qaar kamid ah waxay sheegeen in loo ballanqaaday in la geynayo dalka Sacuudiga ayna helayaan waxbarashada iyo shaqo. Waxay tilmaameen in xilli habeen ah laga saaray magaalada Bosaso, iyagoo muddo afar cishe u lugaynayay halka uu safarkooda ka billaanayay.

Balse, ballanqaadkooda ayaa kusoo dhamaaday in la geeyo buuraha Calmiskaad oo ay ku jiraan dagaalamayaasha Daacish, halkaas oo ay kula kulmeen 40 xubnood oo katirsan Daacish.

Ma sheegin inay ka qeyb qaateen dagaallo ama howlgallo. Waxayse sheegeen inay markii dambe kasoo baxsadeen oo iskusoo dhiibeen ciidamada Puntland, kuwaas oo haatan gacanta ku haya.

Puntland waxay horey u sheegtay inay raggaan Daacish hubka ugasoo qaadi jireen deegaannada ku teedsan buurta. Waxay ciidamadu sheegeen inay ku ogaadeen dabal lagu sameeyay raggan.